Akhri walaalka muslimka ahw…
AGOON waa ilmaha waayay Aabihii. Da’ ahaan agoonku waa ilmaha ka yar 18 jir. Ama ilmaha waayay labadiisa waalidba. (Agoon iyo Rajay). Sidoo kale Agoon dhanka xayawaanaadka waa ilmaha Hooyadii waayay.
Hadaba maadaama uu aabuhu ahaa masuulka ama kii kafaalo qaadi lahaa nolosha ilmaha, markii la waayay ama uu dhintay, wuxu ilmihii noqday AGOON. Taas lidkeeda, Xayawaanka ayaa agoon noqonaya marka la waayo HOOYADA. Maadaama kafaalo qaadashada ilmaha xayawaanka hooyadu ka masuul tahay. Dhanka diinta, culimadu waxay si cad u sheegeen in qaangaadhka ilmaha ay ku egtahay agoonimadu. Waana da’da 18 jirka ilamaha.
MAXAA QAANGAADHKA LAGU GARAN KARAA?
Sifooyinka qaangaadhku waa saddex ay ka simanyihiin wiil iyo gabadhba iyo mid u dheer gabdhah
- In ilama da’diisu gaadho 15 sano
2. In ilmuhu timaha hoose (bisqantu) u soo baxdo
3. In lagu arko ilamaha dheecaanka dadka laga abuuro (mani)
MAXAA AGOON LOOGU YEEDHAY ILMAHA?
Sababta agoon laagu yeedhay waxa lagu macneeyaa. Maadaama ilmahu uu waayay masuulkiisii ama aabihii. Sidoo kale in uu yahay ilme la moogyahay. Aan lahayn cid gaar ah oo u xilsaaran daryeelkiisa.
ISLAAMKA DHEXDIISA IYO AGOONKA
Shareecada islaamku xuquuqaha kale oo dhan waxay ka hormarisay dareyeelidda AGOONKA? Sidoo kale waxay diintu aad u sharaftay, u amaantay, u qadarisay, una weynaysay, weliba magacyo wanaag badan lgu muunadeeyay u bixisay dadka u istaagga dayeelidda AGOONTA. Kuwaas waxaa ka mid ah oo lagu magacaabay MUXSINIIN, taas macneheedu waa (wanaag-falayaal). Sidaa awgeed walaalkayga muslinka ahaw, waxa nasiib leh qofkii AGOON caawiya/ wax tara. Waxaa nasiib leh qofkii agoon kaga farxiya. Hadanba walaal ogsoonow agoonka iyo ilmaha aad dhashay waa isku baahi. Daryeelka ilmahaagu u baahanyahay ayuu agoonkuna u baahanyahay. Walaalo noqo kuwa wanwanaagsan oo ka mid noqo kuwa agoonta daryeelay. Adoo sii marinaya. URURKA SAMOFALKA EE SSC ORPHANS WELFARE ASSOCITION.
no replies