- Sahal Ibn Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Aniga iyo kan agoonka daryeela, waxynu gali Jannada innagoo sidaa oo kale ah” wuxuuna kor u qaaday fardhexada iyo murugsatada oo simay oo isu dhaweeyey. (tusaale ahaan). (Bukhaari)
2. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “aniga iyo kan daryeela agoonka, xigto ha la ahaado, ama shisheeye ha ka ahaadee waxaynu ahaan doonnaa sida labadaa Jannada dhexdeeda; weriyaha xadiiska nabiga ka soo xigtay (oo ah Maalik bin Anas) wuxuu kor u taagay fardhexaada iyo murugsatada oo simay si uu arrintaasi u muujiyo”. (Muslim)
3. Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri:
Waxaa ii timid naag wadata labo gabdhood oo ay dhashay oo iyaga wax u baryeysa. waxba ma hayn waqtigaa aan siiyo xabbad timir ah maahee oo aan siiyey. Waxay u kala jeexday labadeedii gabdhood, iyadiina wax ma cunin. Dabadeedna waa kacdoo iska tagtay. Waxaa yimid Nebiga (S.C.W.) oo aan u sheegay arrintaa.
Wuxuu yiri SUUBANAHEENII MOHAMMED (SCW):
“Qofkii lagu imtixaano gabdho dhalka oo markaas wanaajiya (yacni siiya masruuf, marasho, kuna barbaariya barbaarin diini ah iyo Alle ka cabsi, sida inay ku dadaalaan towxiidka, salaadda, sakada, xijaabka iyo is asturka, iyo waajibyada kale ee diinigia ah oo dhan, dabadeedna u guuriya nin diin iyo dabci wanaagsan leh). waxay xijaab iyo gaashaan uga noqon doonaan naarta”. (Bukhaari iyo Muslim)
WALAALKAYGA MUSLINKA AHAW FIIRI QIIMAHA WAX BIXINTA IYO LIIBAANTA LAGA HELAAYO. KA MID NOQO KUWAAS OO BIXI WAXAAD AWOODO WALAALO. DOORO donate si aad ugu bixiso wixii aad awoodo. Eebahay ha kaa abaal mariyo if iyo aakhiro...
no replies